Friday, July 11, 2025

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo ka badbaaday Qarax Is-miidaamin lagu khaarijin lahaa

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday Qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday Kolonyo uu la socday.

Taliyaha ayaa lagu beegsaday agagaarka isgoyska Trebuunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ah lagu qarxiyey kolonyadii uu la socday Taliye Odowaa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage aya la xaqiijiyey inuu ka badbaaday qaraxa, isagoo daqiiqado ka hor qaraxa ka tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoog leh, waxaana la sheegay in is-miidaamiyaha oo waday Gaari NISSAN SURF ah isku dayay inuu dhex galo Kolonyada Taliyaha la socota, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada, taasoo keenay inuu Gaarigii qarxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON