War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaalada, waxaan wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inuu ka dhacay bartamaha magaalada.
Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxu ka dhacay Wadadda Maka Almukarama, agagaarka Tiyaartarka Qaranka oo ah halka laga ilaaliyo madaxtooyada iyo xarumaha dowladda Federaalka. Waxaa qaraxa lala beegsaday Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamarweyne.
Qiiq iyo uuro ayaa hawada qabsaday, waxaa la maqlay rasaas, iyadoo qaraxa la sheegay inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxybaaha qaxa. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta ku sii jeeda iyadoo uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qarax is-miidamin ah oo lagu qaaday Hotel ku dhow Madaxtooyada & Rasaas socota