War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu ka dhacay Wadadda Maka Almukarama, agagaarka mid ka mida Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la filayaa inuu bartilmaameedkiisu ahaa Hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho oo ah hotel ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta iyo qurbejoogta.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la maqlay jugta qarax weyn oo ay ka dambeeyeen rasaas la is weydaarsaday.
Qaaca iyo uurada uu dhaliyay qaraxa ayaa laga arkay qeybo ka mida magaalada iyadoo muddooyinkan ay magaalada ka socdeen howlo lagu sugayo ammaanka.
DAAWO: Muuqaalka iyo Sawirradii ugu horeeyay Qaraxa Magaalada Muqdisho