Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd shaacisay in qofkii labaad laga helay cudurka COVID-19 laga helay.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in qofkii labaad cudurka Coronavirus laga helay markii baaritaan lagu sameeyay, iyadoo qofkan uu dibadda ka yimid.
Qofkan laga haley Coronavirus ayaa ka mid ahaa 4 sarkaal oo tababar ugu maqnaa dalka Talyaaniga, kuwaasoo markii ay dalka kusoo laabteen la karaantiilay, iyadoo mid kamida baaritaankii lagu sameeyay la xaqiijiyey inuu qabo cudurka covid-19; xaaladiisa ayey sheegtay wasiiradda caafimaadka inay degan tahay.
Waxay dadka ugu baaqday inay is ilaaliyaan oo ay raacaan tallooyinka caafimaad ee la siinayo. Hore ayaa waxaa isla Muqdisho cudurka looga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha, waxaana loo karaantiilay muddooyinkii ugu danbeeyay 19 qof.