Monday, July 14, 2025

Qoraagii Jamal Khashogji oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qoraagii Sacuudiga Jamaal Khashogi oo lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dhex dilay Qunsuliyaddaasi.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor dhow shaacisay war ay ka soo xigatay Ilo mas’uuliyiinta Amniga dowladda Turkiga ka mida oo sheegay inay gaareen qiimeyn ah in qoraaga lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, kadibna meydkiisa laga saaray xarunta Qunsuliyadda.

Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa laga soo xigtay in dilka Qoraaga oo ahaa nin ku kacsan nidaamka Boqortooyada Sacuudiga uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay. Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa sheegay in saraakiil Sacuudiyaan oo gaaraya 15 qof ay Qunsuliyadda tageen maalintaasi uu ballanta ku lahaa Qunsuliyadda, iyagoo isla maalintaasina ka dhoofay dalka Turkiga.

Arrintan ayaa haddii xaqiiqo noqoto sababi doonta inuu xumaado xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga, waxaana warkan uu yahay mid si weyn looga naxay oo faahfaahintiisa la sugayo.

Qunsulka Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa goor dhoweyd shaaciyey in Qoraaga Jamal Kashogi aanu ku sugneyd Qunsuliyadda Istanbul iyo dalka Sacuudiga midna, wuxuuna intaasi ku daray inay gacan ka geysanayaan sidii raadinta qoraaga, ayna arrinta ka welwelsan yihiin.

Qunsulka Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in Kaamerooyinka xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul aysan shaqeynin oo aysan suuragal ahayn in la ogaado xilliga uu qoraaga galay ama ka baxay xaruntooda.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON