Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Ahlu suna ay wado qorshe ay ku shaacineyso xildhibaanno ay soo qoratay oo ay dooneyso inay Doortaan guddoon iyo Madaxweyne Cusub.
Xildhibaannada Ahlu suna shaacin doonto ayaa la sheegay inay u badan yihiin xubnihii ay hore u magacawday ee ka mid noqday Baarlamaankii Galmudug markii ay heshiiska gaareen Ahlu suna iyo Axmed Ducaale Xaaf, waxayna hore Ahlu suna u sameysay Guddi Doarasho oo musharixiin shahaadooyin guddoonsiiyey.
Ahu suna ayaa dadaal ugu jirta inay qas ku abuurto doorashada Baarlamaanka cusub ee Galmudug, iyadoo qaadeysa tallaabo kasta oo lagu fowdeyn karo Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo lagu wado inay ka dhacdo Khamiista soo socota.
Qorshaha Ahlu suna ayaa yimid, iyadoo xal loo waayey waanwaan ay dowladda Federaalka kula jirtay hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud oo dalbaday Arrimo ay ka mid yihiin: in xil sare laga siiyo Galmudug sida madaxweyne ku xigeenka ama dib loo soo celiyo xilkii madaxa xukuumadda Galmudug, iyo in loo sharciyeeyo xarunta INJI ee magaalada Dhuusamareeb, loona xukmiyo Guri ku yaalla agagaarka garoonka Muqdisho oo maxkamad ay ka xukmisay.