Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Ra’iisal wasaare Kheyre oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Wasiirkii Waxbarashada

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si lama flaan ah xilkii uga qaaday Wasiirkii Waxbarashada xukuumadiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha aroornimadii maanta 26-ka July 2018 ayaa Xilkii Wasiirnimo looga xayuubiyey Wasiirkii  Wasaaradda Waxbarashada Hidanka iyo Tacliinta Sare Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay inuu  xilkan sii heyn doono  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey Wareegtadan oo aan lagu sheegin sababta xil ka qaadista.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii wasiirka uu sheegay inuusan aqoonsaneyn Jaamacdaaha dalka ka jira oo ay ku jirto jaamcadda umadda, isla markaana aysan weli buuxin qodobo loo dejiyay, taasoo caro weyn ka dhalisay baraha bulshada, waxaase la yaab leh inuu xilkiisa ku waayo.

Waa wasiirkii labaad ee muddo bil gudaheed ah si lama filaan ah xilka looga qaado iyadoo dhowaan  ay ahayd markii Ra’iisal wasaraha uu xilkii ka xayuubiyey wasiirkii Awqaafta iyo arrimaha diinta.

Wasiirka Waxbarasha Somalia oo sheegay inaysan Aqoonsaneyn Jaamacadaha ka jira Soomaaliya [Dhageyso]

Wasiirka Waxbarashada: “Hadalkeygii Aqoonsiga Jaamacadaha si khaldan ayaa loo tarjumay” [Akhriso]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON