Wararka Laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goor dhoweyd toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ugu weyn, waxayna wararku sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku sugnaa qeybta khudaarta ee suuqa bakaaraha.
Sarkaalka toogashada lagu dilay oo maagciisa lagu sheegay Maalin ayaa ahaa laba xiddigle ka tirsanaa saldhiga booliska degmada Hodan, waxaana isla markiiba goobta ka baxsaday dableydii falka geysatay.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhaca, iyadoo baaritaan halkaasi ka bilaabay waxaan meydka sarkaalka loo qaaday xarunta demb baarista ee CID-da.