Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in Qarax nooca lagu xiro Baabuurta lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Nabadsugidd NISA.
Qaraxa ayaa caawa ka dhacay Wadadda Maka Al-mukarama, gaar ahaan agagaarka Hotelk Maka Al-mukarama, waxaana sarkaalka soo gaaray dhawac culus, sida ay sheegayaan wararkii ugu horeeyay ee laga helay qaraxa.
Sarkaalka gaarigiisa lagu qarxiyay ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Dinix, wuxuuna qaraxa ka haleelay xilli uu gaarigiisu socday agagaarka hotelka.
Dhaawaca sarkaalka ayaa loola cararay isbitaalka, waxayn wararku sheegayaan inuu dhaawacu yahay mid halis ah oo qaarka dambe ka haleelay sarkaalka.
Goobjooge.com