Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu dib u dhacay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ee berri ka furmi lahaa Kismaayo.
Dib-u-dhaca shirka ayaa loo aaneynayaa arrimo dhinaca diyaaradaha ah oo dib u dhac ku keenay in madaxda maamullada qaarkood aysan u suuragelynin inay tagaan magaalada Kismaayo.
Shirka oo la sheegay inuu furmi doono Isniinta ama Talaadadda ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in qaar ka mida madaxda maamullada dalka ciriiri ku noqotay helitaanka diyaaradihii geyn lahaa magaalada Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya oo aan ku faraxsaneyn shirka Kismaayo ee madaxda maamul Goboleedyada ayaan la ogeyn inay ku lug leedahay arrintan.
Goobjooge