Saturday, August 2, 2025

FAAHFAAHIN: Taliyeyaal ka tirsan Booliska iyo Milateriga oo ku dagaalamay Muqdisho & Qasaare ka dhacay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliyeyaal ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo Mialteriga ay ku dagaalameen caasimadda Muqdisho.

Iska hor imaadka dhex maray labada sarkaal ayaa ka dhacay  degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan in laba askari oo Boolis ah lagu dilay iska hor imaadka.

Ciidamada dagaalamay waxaa kala hogaaminayay Taliyaha Qeybta Bari ee Ciidanka Boolis-ka Soomaaliya Maxamed Xuseen iyo Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guuta 1aad.

Ciidamada Booliska saldhiga Degmadda Yaaqshiid ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen guri uu degan sarkaal lagu magacaabo Cali Xuubey oo ka tirsan Guutada 1aad ee Miletariga Soomaaliya qaabilsan Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo weerarkaasi lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa Ciidamada weerarka soo qaaday ee Booliska.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada sarkaalka Cali Xuubeey ay saddex Qori oo midkood yahay PKM ay ka qaateen ciidamada weerarka ku soo qaaday. Sarkaalkan lagu magcaabo Cali Xuubeey ayaa ka baxsaday gurigii lagu weeraray.

Lama oga sababta dagaalkan dhalisay iyo sababta loo weeraray sarkaalkan, laakiin waa weerarkii labaad oo ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ku dhex mara magaalada Muqdisho oo askar lagu dilo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON