Wararka naga soo gaaraya waqooyiha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayaan in Qarax is-miidamain ah oo ka dhacay magaalada uu ku dhinay taliyihii ciidamada isku dhafka magaalada iyo saraakiil kale.
Qaraxaan oo ahaa nooca ismiidaaminta ah ayaa la la eegtay Masuuliyiin ka tirsaneyd Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxa ku geeriyooday Taliyihii ciidamada isku dhafka Col. Cabdi C/laahi Maxamuud (Xoreeye), iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Qani Axmed Qeyre.
Warrka ayaa sheegaya in askar iyo dad sahcab ah ay ku dhinteen qaraxaasi, wuxuuna qaraxu ka dhacay goobta lagu magacaabo Jiiro Cabdullaahi Yuusuf, waxaana weli socda gurmadka loogu jiro dadkii ku waxyeeloobay.