Thursday, July 17, 2025

DEGDEG: Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo ku Guuleystay xilka Guddoomiyaha Baaralmaanka Somalia

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wareeggii saddexaad ee ayaa labada musharax ay si weyn ugu loolameen doorasho ka mida kuwii ugu adkaa ee xilkan loo galo taariikhda, waxaana labada musharax ay ahaayeen kuwo iska daba dhow oo mararka qaarkood tirada codadkooda isku mid ahaayeen.

Wareegan oo lagu kala baxayey cod hal dheeri ah ayaa waxaa natiijadii ay noqotay:

1- Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan; wuxuu helay : 147  Cod

2 Ibraahim Isaaq Yarow : ayaa isna helay:  118 Cod

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa goor dhow iyadoo ay tani guul u tahay xukuumadda iyo madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn u taageerayay musharaxa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Doorashadan ayaa muujineysa in xildhibaannada Baarlamaanka ay ku kala qeybsan yihiin taageerada xukuumadda Soomaaliya iyadoo aqbaliyad yar ay dhinacooda u janjeerto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON