Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Weerar hubeysan oo lagu qaaday mid ka mida mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir

Koox hubeysan ayaa maanta weerar ku qaaday Gaari uu leeyahay mas’uul ka tirsan Gobolka Banaadir.

Dableyda ayaa weerartay gaariga Guddoomiye Ku xigeenka degmada Dharkeynley ee arrimaha bulshada C/llaahi Axmed Faarax xilli uu marayay wadadda Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkeynley. Weerarka ayaa loo adeegsaday Gaari kale oo ay saarnaa agaari NOAH.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga aanu la socon xilliga weerarku dhacay guddoomiye ku xigeenka, waxaana lagu dilay darawalkii, iyadoo lagu dhaawacay askari ka mida ilaalada oo saarnaa gaariga.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay baxsadeen kooxdii weerarka geystay, intii aanay halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON