Friday, June 27, 2025

Weerar ka dhacay Muqdisho oo lagu diley Dad Gaari la socday & wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu laayey dad la socday Gaari yar oo nooca raaxada ah.

Weerarkan ayaa goor dhoweyd ka dhacay Xaafadda Sey Biyaano agagaarka suuqta Beerta Qaadka ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, waxaana geystay Gaari Cabdi bile ay oo rasaas ku bilaabay Gaari yar oo Gaari nooca raaxada ah,  waxaana lagu furay rasaas darandoori ah, iyagoo rasaas ku jawaabay.

Baabuurka rasaasta lagu furay ayaa waxaa la sheegay in ay saaraayeen Sedex nin oo dhar shacab ah balse hubeysnaa, Baabuurka rasaasta lagu furay la sheegay inay eryanayeen Ciidamada amaanka, markii danbena Rasaas ayay is-weydaarsadeen  labada dhinac.

Waxaa goobta ku dhintay labo ka mida dableydii Gaariga yar wadatay, waxaana  baxsaday darawalkii gaariga waday, waxaa kaloo halkaasi ku geeriyooday qof rayid ah, iyadoo uu dhaawac oo gaaray askari mid kamida ciidamdii weerarka qaaday ee la socday Cabdi Bilaha.

Waxaa goobta yaalla meydadka Labadii qof ee baabuurka ku jirtay, waxaana lagu kala cararay goobta iyadoo laga cabsi qabo in gaariga ay waxyaabo qarxa saaran yihiin, halka ciidamada amniga ay xireen halkaasi.

Falkan saaka ka dhacay Muqdisho ayaa ka mida dilalka sii kordhaya ee ka socda caasimadda oo faraha ka sii baxaya, waxaana Muqdisho maanta ka socda bannaanbax looga horjeeda dilalka qorsheysan ee  ka dhacaya magaalada.

WARARKII UGU DANBEEYAY HOOS KA AKHRISO

Faahfaahin: Ciidamada Amniga oo magaalada Muqdisho ku dilay Dabley hubeysan oo Gaari wadatay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON