Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Weerar lagu qaaday Guriga Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya

Weerar loo adeegsaday Banbaanooyin ayaa caawa lagu qaaday guri uu degan yahay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa.

Gurigan oo ku yaala degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la sheegay inay degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu tuuray Bambooyinka kuwa gacanta oo dhowr xabo ah.

Qaraxyo is xiga ayaa ka dhacay Guriga, waxayna wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen Ilaalada ku sugneyd guriga.

Wasiirka iyo xildhibaanada ayaa la sheegay inay ka badbaadeen weerarka bambaanooyinka loo adeegsaday.

Faahfaahin akle filo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON