War hadda soo dhacay aya asheegaya in xal laga gaaray qodobkii caqabadda ku noqday xafladda saxiixa heshiis Doorasahada Soomaaliya ee xarunta Afisyoone.
Shirka ayaa hadda furmaya, iyadoo saaka 9:00 subaxnimo la tegay goobta shirka, waxaana inta badan lagu howlanaa xalinta kooxda Guddoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi, markii ay dhex galeen arrinta madaxweynayaashii hore iyo xubnha Midowga Musharixiinta kadibna la geeyay Afisyoone.
Shir muddo kale qaatay oo dhex maray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa ugu danbeyn la qanciyey dhinacii Cabdi Xaashi, waxaana la sheegay in la siiyey kala bar Guddiyada Doorashooyinka ee Somaliland.
Saxiixayaasha Heshiiska Doorahsada oo a ku jiraan Madaxweynayaasha Puntalnd iyo Jubbaland ayaa isku dayey inay dhinaca Cabdi Xaashi marsiiyeen heshiiska, taasoo markii danbe socon weyday.
Waxaa hadda Hoolka Afisyoone ku qulqulaya madaxda maamul Goboleedyada, madaxda dowladda iyo Madaxweynayaashii hore, waxaana xafladda ay furmeynaa 6 saacadood kadib xilligii loogu talogalay.
