Xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa war kasoo saartay dilkii saxafiga Sacuudiga ee caanka ahaa Jamal Kashoqgi oo 2-dii Oktoobar lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ee daka Turkiga.
Bayaan iyo shir jaraa’id oo uu magaalada Riyaad ku qabtay afhayeenka xeer ilaalinta Sacuudiga ayuu ku shaaciyey wixii kasoo baxay baaritaanka Sacuudiga ee dilkii Saxafiga, waxaana Sacuudigu mar kale qirtay in Qunsuliyadda Istanbul lagu dhex dilay saxafiga, isla markaana la jarjaray jirkiisa.
Warbixinta Xeer ilaaliyaha Sacuudigu soo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan qodobadda arrimah soo socda:
1- In Saxafiga Jamal Kashoqgi lagu dilay oo jirkiisana lagu jarjaray Gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul.
2- In ujeedka kooxda dilka geysatay uu ahaa in lagu soo celiyo Sacuudiga si qancin ah ama awood ah, amarkaasina uu bixiyey ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Alcasiiri.
3- Dilka waxaa amray madaxa kooxda tagtay Istanbuul, waxaana dilkiisa loo adeegsaday irbad sun ah oo keentay inuu dhinto, waxaana madaxa kooxda uu adeegsaday dhaqtar qalliinka qaabilsan si loo jarjaro jirkiisa, lagana saaray Qunsuliyadda, waxaana amray in dibadda loo saaro shan qof oo ka mida kooxda.
4- In jirka saxafiga la dilay ee Jamal Kashoqgi uu qof ka mida kooxda dilka geysatay u dhiibay nin Turki ah oo gacan siiyey kooxda, isla markaana ay sawirka ninkaasi oo astaamihiisa lasoo dhoweeyay ay la wadaagi doonaan Turkiga.
5- Shan ka mida kooxda dilka Jamal oo la dalbaday in lagu xukumo dil, waxaana dembiyo lagu soo oogay 11 ka mida 21 qof oo kiiskan loo heystay.
Warka cusub ee Sacuudiga ayaa meesha ka saaraya tuhunka la xiriira inuu amarka dilka saxafiga bixiyey dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman, waxaana amarka dilka loo saariyey madaxa kooxda dilka geysatay.
Waxaa kaloo muuqata inuu Sacuudigu dib u soo celiyay nin Turki ah oo loo dhiibay jirka la jarjaray ee saxafiga Jamal Kashoqgi, iyadoo ay hore u beeniyeen arrintan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA