Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa shaaciyey in Dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay isaga baxdo dacwadda Xuduudka Badda ee ay ku sheeganeyso Badda Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha oo goor dhoweyd ka hadlay xaflad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Kenya ay la timid qorsheyaal ay dooneyso inay ku carqaladeyso dacwadda dib uga furmeysa maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ, iyadoo xilligan qarka u saaran inay ka baxdo Kiiskan oo dhan.
“Bisha 9-keeda waxaa Hague ka furmaya Dacwadii Somalia ee Kenya ee muran badeedka oo macnaheedu yahay dhulkan aad idinku leedihiin xoog ayaan idinkaga qaadaneynaa… waxay isku dayday dowladda Kenya caqabado fara badan oo dacwadda lagu hor istaagi karo, caqabadii ugu danbeysay waxay ahayd in Talaadadii ay u gudbiyeen Maxkamadda in muddo sanad ah ay dib ugu dhigto dacwadda si ay ugu diyaar garoobaan, waxay sabab ka dhigeen inay bedeleen qareenadii hore.. Dowladda Somalia 24 saac gudahood ay uga jawaabtay, waxayna caddeysay in dacwadii sideeda loo dhageyso oo aan dib loo dhigin…” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha oo sheegay inay rajeynayaan inay Maxkamadu ay diidi doonto codsiga Kenya.
Wafdiga dowladda Somalia ee ka qeyb gali doona dhageysiga dacwada ayuu sheegay inuu hoggaamin doono Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, iyadoo ay filayaan in goaan kasoo baxo maxkamadda 24-ka saac ee soo socda ayna rajo ka qabaan in codsigooda la dhageyso, iyadoo go”aanka maxkamadda uu soo baxayo muddo ilaa lix bilood ah.
Dacwadda Kenya iyo Somalia ee xuduudka Badda oo la muddeeyay 9-ka Bishan September inay dib u bilowdo, iyadoo aan la ogeyn waxa uu noqon doono goaanka Maxkamadda ICJ kadib codsiga Kenya iyo diidmada Dowladda Somalia.