Wararka laga helayo xildhibaanada hormuudka u ahaa mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka laabteen Mooshinkaasi.
Sida aanu kasoo xiganay qaar mida xildhibaannadii waday Mooshinkan ayaa waxay sheegeen inay dib ula noqdeen, kana tanaasuleen Mooshinka Madaxweynaha, kadib markii ay isla ogolaadeen in xilligan aysan ku habooneyn qalalaase siyaasadeed oo dalku galo.
Waxaa lagu wadaa inuu goor dhow soo baxo War-saxaafadeed ku saabsan arrintan, iyadoo uu soo saari doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh.