Sunday, July 13, 2025

Xuuthiyiinta Yeman oo 7 Diyaaradood oo Drone ah ku weerarray xarumaha Shidaalka Sacuudiga.

Afhayeenka ciidamada Yeman ee kooxda Xuuthiyiinta ayaa goor dhoweyd war kasoo saaray weerar ay diyaaradaha is-wada ee Drone-ka saaka ku qaadeen xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Gobolka Bari ee dalka Sacuudiga.

Afhayeenka Milateriga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in 7 diyaaradood oo Drone ah, ayna ku raran yihiin qaraxyo lagu beegsaday xarumaha shidaalka Sacuudiga iyo Dhuumaha shidaalka geeya Dekadda Yanbuc, iyadoo dhalisay in gebi ahaanba ay istaagto socodkii shidaalka.

Sacuudiga ayaa shaaciyey in diyaarado Drone ah lagu weerarray Gobolka Bariga Sacuudiga iyadoo la beegsaday laba xarun oo shidaalka laga soo saaro iyo dhuumo shidaal, iyadoo dab ka kacay marinka 8-aad la damiyey, waxaya falkaasi ku eedeeyeen kooxda Xuuthiyiinta ee Iiraan ay taageerto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON