Wasiir Goodax, G/Banaadir & Dalladaha Waxbarashada oo Farriin u diray Ardayda (Imtixaan cusub)

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banadair iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa laga soo saaray baaq loo diray ardayda Dugsiyada Sare ee imtixaankoodii la joojiyey oo maanta bannaabaxyo waaweyn ka dhigay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoomiyey Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, ayna ka qeyb galeen Ku-simaha Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa loogu aaqay ardayda Soomaaliyeed in ay Iskuulladooda ku laabtaan, isla markaana ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo ay wasaaradda Waxbarashada mar kale dib u qaadi doonto 27-31 bishan May.

Baaqan ayaa soo baxay iyadoo ardayda bannaabaxa dhigay ay diideen inay maqalaan Wasiir Goodax iyo taliyaha ciidamada Booliska oo ugu tegay Isgoyska KM 4, iyadoo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah wasiirka waxbarashada. Ma cadda in ardaygda ay aqbali doonaan imtixaan kale oo laga qaado.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

122,766FansLike
827FollowersFollow
3,047FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!