Sunday, July 13, 2025

Xuuthiyiinta Yeman oo Gantaal ku weerarray Saldhig ku yaalla Koonfurta Sacuudiga.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxa Xuuthiyiinta Yeman ay Gantaal nooca Cruise ah ay ku weerarreen xarun ku taalla magaalada Gizan ee Koonfurta Boqortooyada Sacuudiga.

Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Gantaalkaasi ay la beegsadeen xarunta Korontada dhalisa magaalada Gizan, iyadoo afhayeenka ciidamada Xuuthiyiinta uu shaaciyey in Gantaalkaasi uu haleelay goobtii loogu talogalay, isagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xarun ku taalla Sacuudiga lagu wargeliyay madaxweynaha Mareykanka.

Afhayeenka isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yeman sheegay in madfac ku soo dhacay agagaarka Warshadda Biyaha ee Shaqiiq, Gizan isagoo aan wax qasaare ah geysan.

Xarunta Korontada ee la weerarray ayaa lagu magacaabaa Shaqiiq, waana xarun weyn oo ku taalla Gobolka Gizan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON