Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay degmada Xamarweyne ee G/Banaadir, kadib markii ay guddoomiye la’aan ahayd in ka badan muddo lix bilood ah.
Wareegto ka soo baxday guddoomiyaha G/Banaadir ayaa mar kale Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo degmadaasi guddoomiye kasoo noqday xilligii dowladii Xasan Sheekh, iyadoo xilka laga qaaday markii la magacaabay guddoomiyihii hore ee Taabit Cabdi Maxamed.
Degmada Xamarweyne oo ka mida degmooyinka ay la degtay maamul la’aanta iyo nadaafad darrada ayaa guddoomiye la’aan ahayd tan iyo horaantii bishii Septembar 2018, markii shaqada laga joojiyey guddoomiyihii hore Cumar Shariif Jeeg, kadibna la xiray intii aanu amar kusii deyn madaxweyne Farmaajo.
Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa muddooyinkii danbe ka mid ahaa shaqaalaha maamulka G/Banaadir, waxaana degmada ay ku jirtay qalalaase kadib maamulkiisii.