Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.
Shirka Garowe ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo socday intii u dhexeysay 23-25-kii bishan June, ayaa waxay uga hadleen xaaladda guud ee dalka, anmniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka Dastuurka KMG ah.
“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay ku heshiyeen in ay u midoobaan, meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd dowladnimo dhameystiran oo ku dhisan hannaanka federaaliga ah, dimuquraadi ah, nabadna ah” ayaa lagu yiri War-mutiyeedka.
Qodobadda ugu muhiimsan ee qoraalka ay soo wadasaareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni waxaa ka mida:
1. Puntland iyo Jubbaland waxay isku raaceen in guud ahaan ay waxba kama jiraan tahay wax ka badelka la sheegay in lagu sameeyey Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood u ma lahan wax ka badelka qodobada aasaasiga ah ee Dastuurka ee ah tiirarka dowladnimada heshiiska lagu yahay si waafaqsan Dastuurka lagu heshiiyey Sanadkii 2012, kaas oo ku dhisan heshiis bulsho, waxna looga badeli karo oo kaliya afti dadweyne. Sidoo kale, Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ma aqoonsana wax kasta oo ka dhashay wax ka badelka lagu sameeyey Dastuurka.
2. Waxaan ugu baaqayaa Dowladaha kale ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay qabtaan doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Madaxweynayaasha, ayna magacowdaan guddiyada doorashada heerkooda si waafaqsan qawaaniintooda doorashada.
3. Shirku wuxuu soo dhaweynayaa dadaalada ay diblomaasiyiinta Saaxibada Soomaaliya ku doonayaan in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya uu noqdo mid loo dhan yahay. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay caddeynayaan in Dowladda Federaalka ah aysan ku matalin wixii go’aano aysan Puntland iyo Jubbaland qayb ka ahayn.
4. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay cambaareynayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siyaasadeyso, kuna takri fasho kaalmada Beesha Caalamka, iyada oo DFS ay mararka qaar u isticmaasho hub siyaasadeed, isku dir iyo kicin bulsho si xasilooni darro looga abuuro Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Haddaba, Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay Beesha Caalamka ugu baaqayaan in dib u eegis lagu sameeyo habka loo gaarsiiyo Soomaaliya kaalmada ay bixiso Beesha Caalamka, isla markaasna ay Deeq bixiyaashu toos u la macaamilaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS inta heshiis buuxa laga gaarayo hannaanka qaybsiga khayraadka iyo awoodaha Dalka.
5. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay caddeynayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xun ugu takri fashay awoodaha afarta ah ee uu siinayo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya, gaar ahaanna maamulka adeegga hawada Soomaaliya, iyada oo u isticmaasha aalad siyaasadeed oo ay ku wax yeelayso noloshada Bulshada ku nool Dowladaha Xubnaha ka ah hadba ciddii ay siyaasadda ku kala aragti duwanaadaan. Haddaba, Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay cambaareynayaan ficiladaas, isla markaasna waxay cabasho u gudbinayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka adeegga Duulista Hawada ee UN ICAO.