Saturday, July 12, 2025

Deni oo Qaadacay Shirka Jabuuti, kuna baaqay in la laalo Sharciga Doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay inaysan aqbali doonin shirka Jabuuti ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo maanta ka hadlay furitaanka Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland.

Deni ayaa caddeeyay in Puntland aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti, wuxuuna ku dooday inaan wax door ah laga siin Puntland oo xuduud la wadaagto Somaliland, kana heysata degaanno.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in gebi ahaanba la laalo Sharciga Doorashooyinka heer Federaal ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ayiday baaqii Aqalka Sare ee in Saamileeyda Siyaasadda dalka ay isugu yimaadaan Shir looga arrinsanayo Hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka.

Deni ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dano Siyaasadeed ka leeyihiin Sharciga Doorashooyinka, iyagoo diiday sida uu yiri in wadahadal ay isugu yimaadaan madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON