Wararka lag helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan oo burcad ah ay sababeen dhimasho afar qof oo ciidamo iyo shacab isugu jira.
Falkan ayaa maanta ka dhacay degmada Karaan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka bilowday, kadib markii koox Burcad ah ay halkaasi ku dileen wiil ay doonayeen inay k dhaceen telefoonka gacan-qaadka ah ee Mobile, kaasoo diiday inuu ku wareejiyo kooxda, kadibna muran dhex martay ay rasaas ku fureen, halkaasina ku dileen.
Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxda burcadda ahayd ay baxsatay kadib markii ay dilka geysatay, laakiin ay halkaasi gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo falka dilka ah daba joogay, waxaana isku dhac dhex maray kooxdii burcadda ahayd.
Rasaas ay is weydaarsadeen kooxdii iyo ciidamada ku daba jiray ayaa la sheegay in lagu dilay saddex askari, waxaana meydadkooda la keenay saldhigga Booliska degmada Kaaraan.