Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay kiiska muranka ka taagan yahay ee sarkaal ka tirsan ONLF ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya.
Kalfadhiga Golaha Aqalka Sare ayaa dib u furmaya berri kadib fasixii Ciidul Adxaa, waxaana xildhibaanada Aqalka Sare ajendaha berri noqonayaa arrinta Sarkaalka C/kariin Qalbi dhagax sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi.
“Ajandahaha Guddiga joogtada Aqalka Sare waa ka doodista go’aankii Xukuumadda ay gaartay ee ku saabsanaa u gudbinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) ee Itoobiya loo gudbiyay iyo Xukuumadda go’aanka ay ka soo saartay, kaasoo aan rabno inaan Aqalka geyno, waxaana ka soo saari doonaa go’aan sax iyo khalad wuxuu yahay go’aankaas xukuumadda ay gaartay” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Aqalka Sare ayaa metela maamul Goboleedyada dalka iyo masaalixdooda, mana jiro ilaa iminka maamul goboleed ka hor yimid go’aankii xukuumadda Soomaaliya ku dhoofisay Sarkaalka ONLF.