Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ee magaalada Beledweyne Gobolka Hiiraan ayaagacanta ku dhigay Gaari loo diyaarinayey Qarax iyo dad fara badan oo lagu tuhumay inay Alshabaab ka tirsan yihiin.
Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay Gaariga, wuxuuna sheegay in xaafadda Buundoweyn ee magaalada Beledweyne ay howgalka ka sameeyeen iyadoo ay gacan ka heleen ciidamada NISA ee Hiiraan.
Wuxuu sheegay in Baabuur weyn oo qarax ku raran iyo hub inay kasoo qabteen xaafadaasi, ayna dib u soo nooleeyeen howlgalkii magaalada ay ka sameyn jireen magaalada Beledweyne iyo Gobolka Hiiraan.