Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed oo socdaal ku maraya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa ku faanay in Galmudug ay tahay degaanka amnigooda gacanta ku haya ee Alshabaab iska celiyay iyagoo aanay AMISOM waardiyeyn..
Isagoo ka hadlayay xaflad ay jaaliyadda GalMudug ee Ingiriiska u sameysay ayuu Madaxweyne Guuleed sheegay in dadka Galmudug ay wada hubeysan yihiin… “Waxay shacabnka Mudug ku amaanan yihiin inay yihiin dadka kaliya ee aan Alshabaab ka baqin, Galmudug waa wada ciidan, waxaa laga yaabaa ciidamada degaanad kale jooga inay Alshabaab ka baqayaan haddii meel lagu sheego, anagana reer baadiyaheena ayaa baacsada Alshabaab” ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Wuxuu sheegay in muddo aan fogeyn Alshabaab ay ka xoreyn doonaan degmooyinka ku harsan ee Xaradheere, Ceeldheer iyo Galhareeri. Wuxuu kaloo soo qaaday in maamulkoodu tegi doono caasimadda Dhuusamareeb, isagoo aan xusin qaabka ay ku tegayaan.
DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA GALMUDUG
Goobjooge.com