Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay arrin ay qaadaceen oo ku saabsan aqalka sare ee Baarlamaanka, isagoo sheegay inay waafaqsan yihiin dhammaan go’aanadii Madasha marka laga reebo qodobka ah in laba xubnood Aqalka sare loogu kordhiyo Puntland.
“Sababta aan u diideyno xubnaha loogu darayo Puntland ay yihiin sedbursi, oo horeba u heystay 11 xubnood oo saddex xubnood oo dheeraad ah hore loo siiyay, taasi waxay dhaawac ku noqoneysaa shaqada aqalka sare, isla markaana ay tahay dheelitir la’aan beelaha Soomaaliyeed” ayuu yiri
C/kariin Guulleed ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo arrintaasi oo aanu aqalka sare ku dhismi karin qaab noocaasi ah, wuxuuna caddeeyay inaan lagala tashan arrintaasi wafdigii Galmudug ee uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
DHAGEYSO CODKA C/KARIIN GUULEED
Goobjooge.com