Monday, July 14, 2025

DHAGEYSO: C/kariin Guuleed oo u jawaab kulul kasoo saaray hadalkii C/weli Gaas ee goosashada Puntland

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa  u jawaabay dhigiisa Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas)  oo laga soo xigtay inay maamulkiisa u furan tahay qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay inay ka goostaan Soomaaliya inteeda kale.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa  sheegay in midnimada ummada Soomaaliyeed ay ahmiyad weyn u leedahay qof waliba oo Soomaali ah xiliganna aan la joogin waqti la sii kala gooyo shacabka Soomaaliyeed. wuxuuna intaasi ku daray  inaysan jirin cid keligeed xiligan la joogo is maamuli karta kana maaranta Soomaaliya inteeda kale.

“Midnimada Ummada Soomaaliya qof kasta oo Soomaaliya jooga ayay muhiim u tahay, waxay ila tahay qof kaligeed istaagi karto ma jirto waxayna ila tahay dano kale laga leeyahay, mana haboona xiligan in la kala jaraa ummada Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweyne Guuleed.

DHAGEYSO CODKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON