Qof rayid ah ayaa ku dhintay, saddex askari oo ilaalo u ahaydna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray weerar bambaanooyin loo adeegsaday oo caawa lagu qaaday Guri uu degan yahay wasiiru dowlaha Gaashaandhigga xukuumadda Soomaalaya Maxamed Cali Xagaa.
Gurriga oo ku yaala degmada Xamarweyne, waxaana lala beegsaday laba Bambo oo kuwa gacanta ah, waxayna dhaliyeen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay goobta ka baxsadeen dadkii falkaasi geystay.
DHAGEYSO TALIYAHA BOOLISKA DEGMADA X/WEYNE C/QAADIR MATOOTO OO KA HADLAYA
Goobjooge.com