Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo war aan la fileyn ka soo yeeray

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo doorashada ka dhacday magalaada Jowhar.

Yuusuf  Dabageed oo muddo laba toddobaad ah warkiisa aan la maqalin isla markaana magaalada Muqdisho ku sugnaa ayaa  war aan la fileyn kasoo yaaray isagoo soo dhoweeyay doorashada madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle, wuxuuna hambalyo u diray maamulka cusub.

DabageedWuxuu kaloo Dabageed sheegay inay taageersan yihiin in Caasimada maamulka ay noqoto Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. Isagoo intaasi ku daray in Reer Hiiraan  la shaqeyn doonaan Madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa hore u qaadacay shirka Jowhar, isagoo si adag u weeraray IGAD iyo dowladda Federaalka, waxaase hadda muuqata in xaaladu is bedeshay.

DHAGEYSO GUDDOOMIYE DABAGEED

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON