Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: Guddoomiye Yariisow oo Wareegtadii ugu horeysay soo saaray [Dhismihii barxadda Ceelgaab oo la joojiyey]

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maalintii ugu horeysay ee uu xafiiska la wareegay soo saaray wareegtadii ugu horeysay.

Wreegdada ayaa amreysa in la joojiyo Dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla Aagga Ceel gaabta ee degmada Xamar jajab. Guddoomiyaha ayaa hay’adaha ay khusayso ku wargeliyey joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faa’iideysto.

Maamulka degmada Xamar jajab ayaa sidoo kale la faray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismaha ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, si loo ilaaliyo hantida danta guud.

Guddoomiye Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in tallaabadni ka tarjumeyso siyaasadiisa ku aaddan ilaalinta hantida danta guud, lagana daba tegi doono dhammaan dhulkii danta guud ee haatan ku jira gacanta shakhsiyaad ama looga faa’iidaysanayo dano gaar ah.

“Warqad aan ku joojinay dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro waxay ka mid tahay siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” Ayuu  wareegada ku yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

DHAGEYSO WAREEGTADA

KASHIFAAD & XAQIIQO: Maxaa ka jira in Maamulka G/Banaadir uu iibsaday Barxadda Ceelgaab..?

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON