Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balanqaad abaal marin lacageed u sameeyay ciddii soo sheegta gaari qarax lagu diyaariyay, kaasoo ahayd mid ka mida ololihii doorashadiisa.
Isagoo hadlayay kadib markii uu booqday dhaawacyadii qaraxii shalay ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey ee magaalada Muqdisho ayuu caddeeyya in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha saaran yihiin lacag dhan 100,000 (Boqol Kun oo Dollar).
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee sida bahalnimada ah ee u gumaadeysa shacabka.
DHAGEYSO FARMAAJO
Goobjooge.com