Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyey in ciidamadiisii Booliska ee laga keenay lagu celiyo askari xilli uu khubad u jeedinayay dhageysan waayey oo la sheegay inuu hoos ula hadlay askari kale.
Arrintan oo dhacday maalintii shalay ahayd markii Ra’iisal wasaaruhu booqday ciidamo loo diyaariyey sugidda amniga Muqdisho, wuxuuna si kulul u bahdilay askariga isagoo si kulul ula hadlay, waxaan amarradii uu siiyay ka mid ahaa: BAX.
“Istaag… sow anigu ma hadlayo, intee ka tirsan tahay… orod bax u tag Booliskaadii, haddii uusan garan karin marka Ra’iisal wasaaruhu hadlayo inuu dhageyso, looma baahna inuu amniga magaalada sugo…sow sidaas maaha…. SACAB….” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.
DHAGEYSO CODKA