Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa war la yaab leh ka soo saaray Ammaanka Hoteelada Muqdisho.
Isagoo hadlayay kadib weerarkii weynaa ee shalay lagu qarxiyay Hotelka SYL oo uu isaga laftiisa uu ka baxsaday ayuu sheegay haddii Maamulayaashaa Hoteelada Muqdisho aysan xaqiijin karin ammaanka macaamiishooda in aanan loo baahneyn inuu sii furnaadaan Hoteeladaasi.
Waxa uu sheegay dhibaatada amni ee ka dhacda Hoteelada Muqdisho kaliya inaanan dusha loo saari karin Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse qayb ka mid ah dhaliisha ay leeyihiin masuuliyiinta Hoteelada.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay masuuliyada amniga Hotelada inay saaran tahay dadka Milkiilayaasha oo looga baahan yahay inay sameystaan ciidamo gaar ah oo amniga Hoteladooda xaqiijiya.
Wasiirka Amniga ayaa u muuqda in howshii Wasaaradiisa uu dusha u saarayo dad ganacsato ah oo shacab ah, waxayna tani ka mid tahay fashilka heysta wasiirka oo dad badan ay hadda ku baaqayaan inuu xilka iska casilo.
Dhageyso
Goobjooge.com