Qaar ka mida wadooyinka Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe ciidamada Booliska ay ka qaadeen Dhagxaan waaweyn oo lagu xiray wadooyinka xaafadaha oo muddo sanado ah halkaasi yaallay.
Xaafadaha Dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mida degmada Wadajir, gaar ahaan wadadda isku xirta Zoope iyo Dan-wadaagaha, taasoo jid-cadayaasheeda oo dhan dhagxaan yaalleeen, laakiin waxaan weli jirin isu socodka gaadiidka, waxaana dhagxaantii la qaaday kaliya loo durjiyey xaafadha gudaha 300 ilaa 500 Mitir, taasoo aan waxba soo kordhin; waxaa kaloo dhagxaanta laga qaaday qeybo ka mida Isgoysyada Trebuunka oo nafis laga dareemay, Digfeer iyo Sheekh Cali Suufi oo ay weli yaallaan Biro iyadoo aan loo ogoleyn isu socodka gaadiidka.
Gaadiidka Baaleyasha iyo Tareello xalay lagu daabulay qaar ka mida dhagxaanta lagu kala xiray xaafadaha Muqdisho ee ku qasbanaa inay kala wareegga iyo in gaadiidka aysan isu gudbin ayaan la ogeyn inay hordhac u yihiin qaadista dhagxaanta badan ee Muqdisho u kala jaray qeybo kala go’go’an oo aan la isku gudbi karin.
Waxaan weli la isku furin jid-caddeyaasha Xaafadaha, waxaana dhagxaanta loogu safay qaab saf-saf ah, iyadoo sidoo kale dhagxaantii lagu bedelay carro tuur aysan gaadiidku mari karin, mana cadda ujeedka laga leeyahay arrintan.
Gaadiidleyda BL-ka & Maamulka G/Banadir oo isku mari waayey Jidadka xiran iyo canshuur bixinta.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kala xirista magaalada Muqdisho iyo dhagxaan ku xirista xaafadaha u adeegsatay siyaasad Amni looga hortegayo qaraxyada iyo gaadiidka sida, waxayna dowladdu muddo 3 sano ah ku adkeystay in dhagxaantaasi ay joojiyeen qaraxyo badan, iyagoo iska dhega tirtay qeylo dhaanta shacabka iyo ganacstada.
Ma jirto isbedel ku yimid gaadiidka ku kala xayirnaa dhinaca degmada Wadajir iyo gaadiidka isaga gudba wadadda Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, waxayna dadku ku qasban yihiin inay laba gaadiid u kala raacaan, marka laga reebo Mooto Bajaajta oo loo ogol yahay.
Xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho ayaa u muuqda inay noqon doonto olole doorasho lagu geli doono xilli Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Filish oo markii la magacaabay ballanqaaday inuu furay Wadooyinka Muqdisho uu markii danbe sheegay inay u xiran tahay Madaxda Sare ee dalka.
Madaxwene Farmaajo ayaa June 2018 amar ku bixiyey in la furo Wadooyinka xiran ee Muqdisho, laakiin amarka madaxweynaha ayaa fuli waayey markii ka noqday, kadib weeraro qaraxayo oo la sheegay inay dhaceen maalmo kooban kadib amarkaasi, waxaana lasii kordhiyey wadooyinka xiran.
