Wararka ka imaanaya magaalada Barawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta halkaasi ka dhacay.
Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubad ku cayaareysay meel garoon ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada. Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.
Masuuliyiinta degmada Baraawe ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa walxo lagu aasay qeybta ay dadka muhimka ah fariistaan ee garoonka lagu cayaarayay, isagoo qasaare weyn u geystay dhaliyarro, waxaana sii kordhay dadka ku dhintay qaraxa.
Weli ma jirto cid sheegatay weerarka hase yeeshee saraakiishii aan la hadalnay ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin maleeshiyada ururka al-Shabab inay masuul ka ahaayeen weerarkaas.