Tuesday, September 21, 2021

Dhalinyaro Soomaali ah oo xirtay Khadkii Tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Magaalada Addis-Ababa

Dhalinyaro Soomaali ah oo careysay ayaa xanibtay oo jartay Wadadda Tareenka ee isku xira dallaka Jabuuti iyo Itoobiya oo ah marin muhiim u ah Itoobiya oo ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti.

Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaarsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Ethiopia, balse si madax-banaan looma xaqiijin arrintan.

Ad

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo mas’uuliyiinta Jabuuti ayaan sidoo kale wax jawaab deg eg ah laga helin. Madaxweyne Mustafa Muhumed Omer ayaa sheegay in waddada iyo Khadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii.

Dowladdiisa ayaa sheegtay Talaaddii in maleeshiyo ka tirsan gobolka deriska la ah ee Cafarta ay weerareen magaalo ay degan yihiin Soomaali, oo ay bililiqeysteen, xilli uu dib usoo cusboonaday muran xuduudeed ka dhaxeeya labada dhinac.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno qadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweyne Mustafa u sheegay Reuters oo uu farriin qoraal u diray. “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,” ayuu ku daray.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!