Dhalinyarradii ugu badneyd ee mar qura kasoo goosatay Alshabaab oo lasoo bandhigay

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigay 10 xubnood oo ka mid ahaa Al-Shabaab, kuwaasoo la sheegay inay isu soo dhiibeen ciidamada dowladda.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ayaa sheegay in 10 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaayeen  ciidamada loo yaqaan Jabhadaha oo ka howlgalay Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada dhexe, Mudug iyo Hiiraan ay isu soo dhiibeen.

Qaar ka mida 10-ka dhalinyarro ee Al-Shabaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab ay tahay dhibaato ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u adkeysan waayeen.

Waxay kaloo sheegeen inay arrintan ku dhalisay markii ay arkeen dagaalka ciidamada dowladda Soomaaliya ka wado dalka e ay kula wareegeen degaano badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON