Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigay 10 xubnood oo ka mid ahaa Al-Shabaab, kuwaasoo la sheegay inay isu soo dhiibeen ciidamada dowladda.
Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ayaa sheegay in 10 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaayeen ciidamada loo yaqaan Jabhadaha oo ka howlgalay Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada dhexe, Mudug iyo Hiiraan ay isu soo dhiibeen.
Qaar ka mida 10-ka dhalinyarro ee Al-Shabaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab ay tahay dhibaato ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u adkeysan waayeen.
Waxay kaloo sheegeen inay arrintan ku dhalisay markii ay arkeen dagaalka ciidamada dowladda Soomaaliya ka wado dalka e ay kula wareegeen degaano badan.