Puntland ayaa soo bandhigtay qaar ka mida dhalinyarrada Soomaalida ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea, iyadoo ka sheekeeyay xaaladda ay ku usgan yihiin ciidamadii la geeyey dalkaasi.
C/maalik C/llaahi oo sida uu sheegay ka mida askarta la geeyay Eritrea, kana soo baxsaday ayaa Magaalada Garowe ugu sheegay TV-ga Puntland inay soo mareen silac iyo xaalad ah, isagoo ka mid ahaa ciidamadii ugu horeeyay.
Wuxuu sheegay inuu markii hore ka tegay Muqdisho, markii horena loo sheegay in shaqo loo geynayo, balse la geeyay Eritrea, wuxuuna intaas ku daray in qeybta uu ka tirsanaa ay isku dhaceen Eritrean-ka lagana dilay dad ka badan 10, ayna ku dhaawacmeen 50 kale.
C/maalik ayaa sheegay mid ka mida askarta dhimatay iyo ehelkiisa oo reer Beledweyne ah, wuxuuna waalidiinta ay caruurta ka maqan yihiin ugu baaqay inay sii wadaan cadaadiska ay saarayaan madaxda dowladda si loo soo celiyo askartaasi.


Askarta kasoo baxsatay Eritrea ayaa waxay kala yihiin: Zakariye Bille Xasan, Cusmaan Xasan, C/maalik C/llaahi iyio Aadan Cabdi.
Waa askartii ugu horeysay ee kasoo baxsatay dalka Eritrea oo ay madaxda dowlada Federaalka tababar qarsoodi ah u geystay, waxayna sheegeen sidii ay u soo baxsadeen iyagoo kasoo tallaabay xuduudka Itoobiya ay la wadaagto Eritrea.
Sida ay muujinayaan macluumaadyadda, wadarta askarta loo qaadey Eritrea ayaa waxay u dhaxeysaa 5,000 illaa 7,000 kuwaasoo ay da’doodu u dhaxeyso 18-sano jir illaa 25-sano jir.