Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaqtarkii u dhashay dalka Siiriya ee dhowaan Gaari uu la socday la Qarax loogu xiray uu geeriyooday, kadib dhaawac culus oo soo gaaray.
Dhaqtarka oo lagu magacaabi jiray Dr. Muhanad Ali Ahmed ayaa maqribnimadii 21-ka Janaayo dhaawac culus kasoo gaaray qarax loogu xiray gaari uu la socday, isagoo ka howlgeli jiray Isbitaalka Muqdisho City ee magaalada Muqdisho.
Dr. Muhanad Cali Axmed ayaa ka mid ahaa dhaqaatiir fara badan oo Suuriyaan oo Muqdisho shaqo u yimid, kana howlgeli jiray, ayaa ka shaqeynayey Isbitaalka Muqdisho City ee degmada Hodan, isagoo qaabilsanaa xanuunada ku dhaca Cunaha, Sanka iyo Afka.
Dhaqtarkan ayaa lug iyo gacan ku waayey qaraxa, waxaana muddooyinkii ugu danbeeyay uu ku jiray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu caawaa ku geeriyooday.
Waxaa kaloo qaraxaasi ku dhaawcmay laba dhakhtar oo kalah ah Siiriyaan iyo Somali, waxaana la sheegay inay xaaladooda degan tahay. Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu weerarray dhaqaatiirtan, iyadoo kooxaha dilalka qorsheysan ka geysta Muqdisho ay fara badan yihiin.