Sunday, February 5, 2023

Dhaqtarkii Neerfaha ee iska dhigay Gaashaanle oo Maxkamad loo soo taagay Shabaabnimo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta lasoo waatahay nin ku shaqeysan jiray Dhqatartnimo, marka adeegsaday sarkaal ciidan oo lagu so oeedeeyay Alshababanimo

Maxamed C/nuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana wuxuu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay Dhaqtar Neerfaha ah, isla markaana wuxuu sheegtay sarkaal ciidan oo leh darajada Gaashaanle, sidoo kalena qaatay Aqoonsi wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka.

Ninkan oo lagu soo eedeeyay inuu Alshabaab ka tirsanaa ilaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Ad

Sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay inay been abuur tahay Dhaqtarnimada uu sheegtay oo laga soo xaqiijiyey Jaamacadihii uu sheegtay inuu ka baxay ee dalka Uganda, sarkaalka ciidan ee uu iska dhigay.

Fadhigii maanta ee Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Maxamed C/nuur Jiirow (Dr. Fanax) oo ay ku jirto Sarkaalkii ciidan ee uu sheegtay, waxayna xeer ilaalinta codsatay in Dil toogasho ah lagu xukumo eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda Maxamed C/nuur Jiirow (Dr. Fanax), waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda uu sheegay inuu go’aan kasoo saari doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!