Friday, April 19, 2024

DHIIBISTII QALBI-DHAGAX: Muxuu Qirtay, Muxuu Qariyey, Muxuuse Qishay C/llaahi Sanbaloolshe..?

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa wareysi uu xalay bixiyey ku qirtay inuu qeyb ku lahaa kiiskii C/kariin Qalbi-dhagax ee dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya, isagoo qirasho iyo talooyin soo jeediyey.

Wareysiga Sanbaloolshe ayaa ka dambeeyay wareysi kale oo dhowaan uu bixiyey Guddooomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay sida uu Sanbloolshe u khalday isaga markii ay kiiskaasi ugu tageen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna kashifay Cabdi Xaashi sida Sanbaloolshe u dhisay qorshaha dhiibista Qalbi-dhagax oo ahaa inuu isagu dalbaday in Itoobiya loo dhiibo.

Wareysiga Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe waxaa dhaliyey markii uu dareemay in dembigii ka dhashay dhiibistii Qalbi-dhagax isaga kaliya lagu wareejiyey oo keligiis mas’uul ka ahaa, isagoo aan beenin Warkii Cabdi Xaashi ayuu la yimid qirasho soo dib dhacday oo u muuqatay mid qabyo ah iyo farriin ku socota Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, lagana yaabo inuu sir kale kashifo mar kale marka uu dib ugu soo laabto kiiskan.

Ad

MUXUU QIRTAY SANBALOOLSHE..?

Qirashada soo dib dhacday ee Sanbaloolshe waxaan ku soo koobi karnaa:

1- Inay khalad ahayd dhiibistii Qalbi-dhagax

- Advertisement -

2- inuu qeyb ka ahaa dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax, eeda uu ku leeyahayna uu qiranayo

3- Inuu dalbanayo in la cafiyo

4- Inuu kiisku ahaa mas’uuliyad Wadareed

5- Inuu hayey shaqo Sirdoon oo aanu ka shalaayneynin.

- Advertisement -

MUXUU QARIYEY SANBALOOLSHE..?

Waxaa wareysiga ka maqnaa nuxurka dhiibista Qalbi-dhagax, ciddii amarka lahayd iyo sababta keentay in dowladda Soomaaliya ay kiiskan dhexda u gasho. Arrimihii uu qariyey waxaa ugu muhiimsanaa:

1- Cidda lahayd amarka soo qabashada C/kariin Qalbi-dhagax iyo dhiibistiisa.

2- Sidii madaxda dowladda Somalia ugu dhiiratay inay arrintan ku kacdo.

3- Tafaasiisha soo qabashada iyo dhoofinta C/kariin Qalbi-dhagax

4- Mas’uuliyadda Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku lahaayeen arritan

5- Iyo Cidda diyaarisay marin-habaabinta kiiska ee ah inuu Qalbi-dhagax dalabaday in loo dhiibo Itoobiya.

MUXUU NOO QISHAY SANBALOOLSHE..?

Arrinta ugu muhiimsan ee Sanbaloolshe wareysiga ku duur-xulay oo uu si weyn ugu raftay isagoo aan qayaxin, waxay ahayd farriin ku socotay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana laga fahmi karaa:

1- In Madaxweyne Farmaajo uu lahaa mas’uuliyadda dhiibista Qalbi-dhagax

2- In Farmaajo aanu ahayn sida dadka ka aamisan yihiin, una nugul yahay cadaadiska Itoobiya

3- Inuu Madaxweyne Farmaajo yahay shaqsi aanay gar gelin oo madax adag….

4- Inuu talo u jeediyey Madaxweynaha iyo xukuumadda inay kiiskan soo afjaraan oo qirtaan wixii dhacay.. ama uu ku qasbanaan doono inuu mar kale sir kashifo oo wixii dhacay haddana qeyb ama inta badna shaaciyo.

Waxaa muuqata in Sanbaloolshe uu qeyb ahaan arrinta shaaciyey, isagoo weli qeybta kale diiday inuu shaaciyo, isagoo mas’uuliyadii uu hayey qaadanaya.. laakiin waxaa cad in kiiskan aanu sidaa ku dhammaan doonin ee uu mar kale laba iyo saddex qarxi doono, isla markaana uu galaafan doono madaxda sare oo Madaxweynaha is qarinaya ugu weyn yahay.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON