Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa wada qorshihii ugu danbeeyay ee lagu cabirayo dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada maamulka degmada Dharkeynley ayaa howlgal burburin ah shalay iyo maanta ka waday Suuq-yaraha degmada Dharkeynley, iyadoo la sheegay in qorshuhu yahay in dhulka uu ku fadhiyo Suuq-yaraha la banneeyo, kadibna la cabiro oo la iibiyo.
Waxaa la burburiyey kawaankii Suuq-yaraha iyo qeybo ka mida Guryo ay degan yihiin Dadweyne, waxaana arrintan ka hor yimid dadka halkaasi degan oo ciidamo taageersan u yeertay, kadibna halkaasi ka saaray ciidamadii Degmada ee burburinta waday.
Dadweynaha halkaasi degan ayaa madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu arrintan soo farageliyo, iyadoo sheegay in maamulka degmada Dharkeynley, Gobolka Banaadir iyo dowladii dhacday ay boobayaan dhulkooda.
Dhinaca kale Cumar Filish oo ay wehliyaan xildhibaannada beeshiisa iyo Nabadoonka ayaa maanta salaan ugu tegay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la sheegay inuu ujeedkiisu yahay inuu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sii joogo.
Lama oga inuu madaxweynaha cusub wax ka qaban doono dhulka danta guud ee madaxda Gobolka Banaadir iyo degmooyinka ay boobkii ugu danbeeyay ku wadaan xilligan kala guurka ah, iyadoo hore maamulkii Xasan Sheekh loogu eedeyn jiray musuqmaasuq.
Hore inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir waxay Guryaha si hordhac ah uga qaateen lacagtii canshuur sanadeedka ahayd oo iyadoo aan la gaarin waqtigeeda dadka lagu qasbay inay bixiyaan.


HOOS KA DAAWO