Sunday, August 3, 2025

Dib u dhac ku yimid Dagaalkii uu shaaciyay Madaxweyne Farmaajo & Alshabaab oo qoshe u dejiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daabushay gobolka Shabeellada Hoose oo lagu wado in dagaal lagu qaadayo Alshabaab uu ka bilowdo. 

In ka badan 1000 askari ayaa gaaray maalmihii ugu danbeeyay saddex xarun ciidamo oo ku yaalla Gobolka, waxaana ciidamada isugu jiraan kuwa gaarka ah ee kumaandooska iyo ciidamada milateriga.

Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa howlgalkooda dib ugu dhacay safarkii madaxweyne Farmaajo ee dalalka AMISOM ciidamada ku leh, Waxaa kaloo lagu wadaa inay dib u sii dhacaan kadib shirka madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo

Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Sh/hoose ayaa farriisimo ku leh Garoonka Ballidoogle, No. 50 iyo iyo aagga hore ee degmooyinka Marko iyo Qoryooley, waxaana ciidamada loo dhameystiray hub, saad iyo sahaydii ay u baahnaayeen.

Dagaalka uu ku dhawaaqay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu hoggaamin soodo ayaa dib ugu dhacay bisha November, iyadoo markii hore la qorsheeyay inuu madaxweynuhu fariisiin ka sameysto degmada Afgooye.

Wararka laga helayo dadka degaanada Gobolka Sh/hoose ku nool ayaa sheegaya in Alshabaab ay u diyaar garoobeen dagaalka la shaaciyay iyadoo hubkooda ugu weyn uu yahay miinooyin ay meelo badan geliyeen iyo Biyo ay ku fureen wadooyinka oo Webiga ay u adeegsadeen Cagafyo si ay biyihiisa ugu furan degaanada la filayo inay weerarradu ka dhacaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON