Sunday, July 6, 2025

Dib u dhac weyn oo ku yimid fadhigii Labada Aqal ee Baarlamaanka maanta (Akhri sababta)

Dib u dhac weyn ayaa ku yimid fadhigii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo lagu balansanaa in 9:00 subaxnimo uu furmo.

Fadhiga maanta oo ahaa kii ugu dambeeyay ee lagu dhageysanayo musahrixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayay soo xaadiri waayeen xildhibaano badan oo Muqdisho ku sugan, iyagoo qaarkood sheegay inay ku daaleen khudbadaha musharixiinta oo si cago jiid ah ku tagaan, kadibna markii ay saxiixaan is xaadirinta dib isaga laabtaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku celceliyay xildhibaanada inay waqtiga dhowaan, isla markaana ay dhageystaan musharaxiinta si isku mid ahba u joogaan baarlamaanka oo aanay qaar ka mida musharixiinta ka tegin. Waxaa cad inaan waxba lagu qaaday talooyinka Prof. Jawaari.

Qorshaha Guddiga Doorashada ayaa waxaa ku cad in khudbooyinka musharixiinta ay bilaabaneyso 9:30 subaxnimo, waxaase hadda xilligan warkan la qorayo la dhaafay laba saacadood xilligii ballantu ahayd.

Baarlamaankii hore ayaa caadi u ahayd inay Duhurka kadib shirarkoodu furmaan waxaana muuqata inaysan waxba isbedelin, inkastoo dadka qaarkii ku sifeynayaan mudaaharaad ka dhan ah musharixiinta qaarkood.

AKHRI JADWALKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON