Thursday, June 26, 2025

Digniin weerarro Alshabaab ku qaado Garoonka Muqdisho & Hoteelo oo la soo saaray & Isgoys Caawa lagu kala cararay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay soo baxday digniin ku saabsan weerarro argagixiso oo Alshabaab dooneyso inay ka fuliso bar-tilmaameedyo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ilo sirdoon oo ka tisan NISA iyo kuwa reer Galbeed ah ayaa lasoo weriyay inay ka digeen weerarro iyo qaraxyo lagu qaado Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla Wadadda Maka Almukarama, iyadoo ciidamada heegan la geliyay, lana sheegay in weerarrada ay dhacayaan wixii ka danbeeya 26 Febraayo, saddex berri kadib weerarkii Madaxtooyada iyo Xarunta NISA.

Dhinaca kale Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho dhinaca degmada Boondheere ayaa caawa lagu arkay gaari looga shakiyey inuu miineysan yahay oo qaraxyo laga soo buuxiyey, waxaana la xiray wadooyinka halkaasi gala iyadoo dadweynaha ay ku kala cararraeen.

Gaarigan oo Mini-bus ah ayaa muddo dheer halkaasi yaallay iyadoo la waayay cid iskale oo sheegtay ama meesha ka qaadata, taasoo keentay in laga shakiyo, waxaana xaaladda la wareegay ciidamada amniga oo dadka joojiyey aaggaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON